Ku bixi lacagta howlaha wakhtiga firaaqada ee carruurtaada adiga oo isticmaalaya Kaarka wakhtiga firaaqada

Waa muhiim in la sameeyo waxyaabo xiiso leh wakhtiga firaaqada si caafimaad loo helo. Kaarka wakhtiga firaaqada waa lacag aad u isticmaali karto si aad u bixiso lacagta howlaha wakhtiga firaaqada ee carruurtaada ee wakhtiga firaaqada.

Ilmo kasta waxaa sannadkii la siinayaa 550 karoon. Taasoo khuseeyso carruurta da`dooda u dhaxayso 6 ilaa 16 sano. Haddii sannadkii la soo dhaafay qoyskaaga la siiyay Kabka guriga ama Kaalmada guriga ee dheeriga ah, waxaa cunug kasta dartiisa la idin siinayaa 2500 karoon sanadkiiba.

Haddii aadan isla deggenayn, waalidka uu ilmuhu ka diiwaangashan yahay ayaa isticmaali kara Kaarka wakhtiga firaaqada si uu lacagta u bixiyo.

Sida loo isticmaalo Kaarka wakhtiga firaaqada

1.     Ku qor ilmaha howl xilli firaaqeed

Dooro hawl ay bixiso urur ama dugsi dhaqameed oo ku jira goobta Kaarka wakhtiga firaaqada. Ka raadi magaca ururka bogga fritidskortet.se si aad u aragto inuu ku jiro, ama si toos ah u weydii ururka.

 

2.     Sug jawaabta in ilmaha la aqbalay, kadibna sug warqadda lacag bixinta

Waxaad ku bixin kartaa Kaarka wakhtiga firaaqada marka ilmaha loo helo boos hawsha, oo aad hesho warqad lacag bixin oo ka timid ururka.

Haddii ururku aanu dirin warqad lacag bixin, waa inaad ka heshaa macluumaadkan:

·     Lambarka koontada lacagta lagu dirayo.

·     Lambarka OCR ama fariinta lagu qorayo marka lacagta la dirayo

 

3.     Waxaad ku bixisaa Kaarka wakhtiga firaaqada

Haddii ururku leeyahay nidaam lacag-bixin u gaar ah, waa inaad isticmaashaa markaad ku bixinayso Kaarka Wakhtiga firaaqada. Haddii ururku aanu lahayn nidaam u gaar ah, gal bogga fritidskortet.se oo halkaas kaga bixi lacagta adigoo isticmaalaya Kaarka wakhtiga firaaqada.

Hawlahee ayaa lagu bixin karaa Kaarka wakhtiga firaaqada? 

Waxaad ku isticmaali kartaa Kaarka wakhtiga firaaqada howlo uu hoggaamiyo macallin ama tababare, oo si joogto ah u dhaca. Howl joogto ah waa mid dhacda ugu yaraan lix jeer muddo aan ka badnayn lix bilood. Tusaalooyinka hawlaha, ciyaaro iyo isboorti kala duwan, hawlo abaabulan oo bannaanka dabiiciga lagu sameey,  muusigga ama ciyaarta qoob ka ciyaarka oo laga helo dugsiga dhaqanka.

Waxaad Kaarka wakhtiga firaaqada ugu isticmaali kartaa:

·     lacagaha ururrada ciyaaraha, ururrada bannaanka, ama dugsiyada dhaqanka (tusaale ahaan lacagta tababarka, ka qaybgalka, ama xubinimada)

·     kiraynta qalabka ama agabka ilmaha uga baahan yahay si uu uga qaybqaato hawsha (tusaale ahaan kiraynta gitaar casharka muusigga ama kursiga ski-ga ee paraskidåkning)

Ma isticmaali karaa Kaarka wakhtiga firaaqada wakhti kasta?

Waxaad ku bixin kartaa Kaarka wakhtiga firaaqada inta u dhaxaysa 5-ta Janaayo iyo 30-ka Nofeembar.

Waxay khusaysaa hawlaha:

  • ·     dhammaaday sannadkan gudahiisa
  • ·     hadda socda
  • ·     bilaabanaya dabayaaqada sannadkan ama sannadka xiga

 

Waxaad macluumaad ka heli doontaa ururka ama dugi-dhaqameedyada masuulka ka ah hawsha oo ku saabsan sida iyo goorta lacagta lagu bixinayo Kaarka wakhtiga firaaqada.

Lacagta ku jirta Kaarka wakhtiga firaaqada waa in la isticmaalaa ugu dambayn 30-ka Nofeembar. Lacagta looma keydin karo sannadka xiga.

Ma u baahan tahay qof turjubaan ah oo ku caawinno?

Khadka taleefanka 0771-18 19 18 ayaa turjubaanka ka ballansan kartaa. Shaqaalaha khadka taleefanka ka jawaabi doono waxay ku hadlaan af-iswiidish iyo af-ingriisi, waxayna kaa caawini karaan ballansahsada qof turjubaan ah oo afkaaga hooyo ku hadlo.

Fritidskortet logga Fritidskortet logga